Geeri deg deg ah oo ku timid gabdho mataano isku dhegan oo 22 jir ahaa (Daawo Sawirro)

Dalka Tanzania waxaa la shaaciyay geerida labo gabdhood oo ahaa mataane isku dhegan, waxaana la sheegayaa in uu wadnaha istaagay oo ay sidaa ku dhinteen.

Inkastoo gabdhahani ay wadaagayeen xubnaha qaar ee jirkooda sida beerka iyo sambabada, haddana mid kastaa waxaa gooni u ahaa wadnaheeda.

Maria iyo Consolata oo 22 jir ahaa ayaa waxa ay isaga dhegnaayeen qaarka dambe, shalay ayayna ku dhinteen isbitaal ku yaalla dalka Tanzaniya.

Maria iyo Consolata ayaa waxaa daryeelayay hay’addo masiixi ah oo soo koriyay kaddib markii iyaga oo aad u yar ay dhinteen labadooda waalid.

Labadani gabdhood ayaa aad looga jeclaa gudaha dalka Tanzaniya. Sanadkii la soo dhaafay mar ay ka qalin jebiyeen dugsiga sare waxaa ayna farrimo dhiirigelin ah iyo hambalyaba ka heleen guud ahaan dalkaasi Tanzaniya.

Madaxweyne John Magufuli ayaa ka mid noqday dadka reer Tanzania ee ka tacsiyeeyay geerida labadani gabdhood, wuxuuna bartiisa Twitter-ka ku soo qoray in uu aad uga xun yahay geerida ku timid gabdhahaasi ee isku dhegnaa oo sida uu sheegay rajeynayay in ay dalkooda u shaqeeyaan.

Gabdhahani ayaa hadda ku jiray machad macallimiinta lagu tababaro, waxaana ka go’nayd in ay heer sare ka gaaraan aqoontooda inkastoo ay wajahayeen caqabado badan.

Gabdhahan oo ahaa mataane isku dhegan ayaa waxa ay wada qaban jireen shaqadooda guriga, waxaana sidoo kale ay lahaayeen rajo weyn oo dhanka mustaqbalka ah.

Sanadkii la soo dhaafay ayaa waxay sheegeen in ay doonayaan in ay noqdaan macallimiin isla markaana ay ku rajo weyn yihiin in ay isla guursadaan hal nin.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -