Cali Guudlaawe oo balan-qaaaday inaan Musharax gaar ah loo xireyn kuraasta Baladweyne

Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen oo uu wehliyo Madaxweyne Ku Xigeenka Mudane Yuusuf Axmed Hagar ayaa kulan la qaatay musharaxiinta u taagan tartarnka xildhibaanimo ee Golaha Shacabka.

Kulankan ayaa yimid ka dib markii Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan qeybo ka mid ah xalay lagu arkay Ciidamo sheegay inay ka gadoodsan yihiin in Shaqsiyaad gaar ah loo xiro kuraasta Golaha Shacabka ee taalla Beledweyne.

Ciidamada ayaa lagu arkay afaafka hore ee Xarunta Lamagalaay ee Magaalada Beledweyne, iyagoo sheegay in marnaba aan la aqbali karin in kursiga Hop030 loo xiro Daahir Amiin Jeesow oo kursigaan ku fadhiya.

Madaxweynaha ayaa musharaxiinta u sheegay inay u diyaar garoobaan doorasho daahfuran oo si nabad ah ku dhacda, waxa uuna balanqaaday inaysan dhici doonin in kursi loo xiro cid gaara.

Cali Guudlaawe ayaa musharaxiinta kula dardaarmay inay hay’addaha amniga kala shaqeeyaan nabadgalyada Magaalada Beledweyne.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -