Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Shariif Xasan oo loo diiday inuu ka dhoofo Garoonka Aaden cadde iyo sababta ka dambeysa

Madaxweynihii hore ee Koonfur galbeed Shariif Xasan Shiikh Aadan ayaa goor dhow lagu celiyey garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho, waxaana loo diiday inuu u safro Baydhabo oo ay ka dhaceyso Kursigiisa Xildhibaannimo.

Warar iskhifaafsan ayaa ka soo baxaya cida bixiay amarka lagu celiyey Shariif Xassan, kuwaasoo qaarkood sheegayaan iney ka dambeysay NISA, halka warar kalena xusayaan in amarka safarka loogu diiday uu ka oo baxay Maamulka Koonfur galbeed.

Shariif Xassan ayaa sida muuqata la doonayaa in la dhaafiyo doorashada kursigiisa sababo la xiriira Laftagareen oo ka cabsi qaba in haddii Shariifku noqdo Xildhibaan uu u tartamo Kursiga Guddoomiyaha golaha shacabka.

Laftagareen ayaa isha ku haya damac xoogana uu kaga jiraa xilka guddoomiyaha cusub ee baarlamanka Somalia, waana taas sababta ku riixeysa inuu doorashada ka reebo Shariifka oo uu arko inuu carqaldeyn karo damaciisa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Guddoomiyaha Sh/dhexe oo faahfaahiyey Weeraradii saaka ka dhacay duleedka Jowhar

Caydiid Ali

Rasaas dabaaldeg ah oo ka dhacaysa Muqdisho ka dib go’aankii RW Rooble

Caydiid Ali

Nin Mareykan ah oo hoygiisa laga helay hub halis ah (Sawiro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---