Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Rasaas dabaaldeg ah oo ka dhacaysa Muqdisho ka dib go’aankii RW Rooble

Rasaas dabaal deg ah oo lagu soo dhoweynayo go’aankii Galmudug iyo Hirshabelle kaga soo horjeesteen muddo kororsiga iyo ayidaadii Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka bilaabatay magaalada Muqdisho.

Rasaastan oo ah hawada loo ridayo ayaa ka dhaceysa aagga Mirinaayada ee cdegmada C/casiis iyo goobihii ay ku sugnaayeen Ciidamadii ka soo horjeeday Muddo Kororsiga.

Talaabadan ay qaadeen Madaxda dowlad goboleedyada Galmudug iyo Jubbaland iyo RW Rooble ayaa si weyn looga soo dhoweeyey Magaalada Muqdisho oo qarka u saarneyd dagaal kale oo dhexmara ciidamada DF ee kala taabacsan muddo kororsiga iyo mucaaradka diidan.

Kumanaan qoys ayaa maanta ka barakacay degmooyin ka tirsan Muqdisho ka dib markii ay sii xoogeysteen dhaqdhaqaaqyo ciidan oo ka jiray caasimada qeybo ka mid ah inkastoo ay muuqato in dagaalkuu laga baaqsaday.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

https://youtu.be/xfX6h5CmmOk

Related posts

Madaxweyne Deni oo caawa Goobjoog ka noqday Doorasho ka dhacday degmada Eyl (Sawirro)

Cabdi Cade

Cumar C/rashiid, Gaas iyo Faroole oo ka hor yimid go’aankii Isimada Puntland (Akhriso)

Caydiid Ali

Wasiiro kasoo jeeda Puntland iyo Madaxweyne Deni oo Muqdisho kulan ku yeeshay (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---