Guddoomiyaha Sh/dhexe oo faahfaahiyey Weeraradii saaka ka dhacay duleedka Jowhar

Maamulka gobolka Sh/dhexe ayaa ka hadlay dagaalo iyo qaraxyo maanta ka dhacay duleedyada magaalada Jowhar kuwaasoo sababay dhimasho iyo dhaawac.

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellada Dhexe, Axmed Meyre Makaraan ayaa sheegay in maanta gelinkii hore ay kooxo maleeshiyo ahi ay soo weerareen ciidamada maamulka Hirshabeelle oo ku sugnaa Jowhar.

“Iska hor imaadkaas ayaa waxaa ku dhintay askar ka tirsan ilaalada Madaxweynaha Hirshabeelle iyo maleeshiyadii weerarka soo qaadday. Waxaana dagaalka kaddib goobta ka cararay maleeshiyadii weerarka soo qaadday” ayuu yiri Guddoomiye Makaraan.

Guddoomiyaha ayaa intaas ku daray in sababta ay maleeshiyadaasi ay weerarka u soo qaadday ay tahay in ay doonayeen in ay soo furtaan niman ayaga ka tirsan oo maaamulka Hirshabeelle uu xiray kuwaasoo ku eedeysnaa fal dambuyeedyo.

“Magaalada maaanta waxaa soo weeraray niman mooryaan ah oo dhulkaan baabuurta ku dhici jiray oo dadka dhibaatayn jiray, maalin hore ayaa laga xiray dad ayaga ka mid ah oo dhibaato ku hayey bulshada, marka nimankii mooryaanta ahaa ayaa yiri waxaan soo daysanaynaa nimankii nala ka xiray, sidaas ayayna magaalada weerar ugu soo qaadeen”. ayuu intaas ku daray.

Weerar kale oo maanta ka dhacay meel aan sidaas uga fogayn magaalada Jowhar ayaa waxaa ku dagaallamay ciidamada maamulka Hirshabeelle iyo Alshabaab, halkaasoo sida guddoomiyuhu sheegay miino dhulka lagu aasay ay ku dhinteen saddex askari iyo taliyihii ilaaladiisa.

Degaanka Qoordheere oo ah halka uu dagaal kaasi ka dhacay ayuu guddoomiyuhu sheegay in haatan ay gacanta ku hayaan ciidamada dowladda iyo dadka deegaanka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -