Taliyihii hore ee Ciidanka Booliiska Soomaaliya iyo Xubno kale oo Xildhibaano loo doortay

Waxaa saakay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari  ee maamulka Puntland ka doorashada lix kursi oo kamid noqonaya gollaha shacabka ee Baarlamaanka 11-aad ee federaalka Soomaaliya.

Kuraasta la doortay ayaa horey loogu xiray musharaxiin uu si gaar ah u watay Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, waxaana kuraastaasi qaarkood loo diiday in ay u tartamaan Xildhibaanadii horey ugu fadhiyay ay ku jiraan Wasiirro.

Taliyihii hore ee Ciidanka booliiska Soomaaliya Janaraal Bashiir Cabdi Maxamed (Ameeriko) ayaa ku guuleestay kursiga tirsigiisu yahay HOP273 , kaddib markii doorashada uga tanaasushay gabar kula tartameysay.

Waxaa sidoo kale Boosaaso lagu doortay Xildhibaano cusub ay kamid yihiin ,Cabdicasiis Maxamed Maxamuud Qambi,Maxamuud Axmed Aadan Geesood,Marwo Cabdi Bashiir Xaaji Cali,Muuse Axmed Ismaciil iyo Cali Mahdi Maxamed Cali .

Doorashadan ayaana u badneyd mid la isku tanaasulay oo goobta ka dhicin doorasho, waxaana dhammaan xubnaha la doortay ahaayeen kuwa horey kuraastan ay kusoo baxeen loogu xiray.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -