Allbanaadir.com
NEWS

Ciidamada Dowladda oo dilay qaarkoodna qabtay rag hubeesan oo dil u geestay Sargaal Ciidan

Ciidamada dowladda ee ku sugan magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa xalay xaafada Howlwadaag ku dilay labo nin oo lagu eedeeyay in ay dil u geesteen sargaal katirsanaa ciidanka booliiska Hirshabelle.

Saraakiil katirsan ciidamada ammaanka ayaa Warbaahinta dowladda u sheegay in raga hubeesan dileen Axmed Xasan Biriq oo katirsanaa saraakiisha booliiska, waxaana raga hubeesan oo isku dayay in ay baxsadaan daba galay ciidanka booliiska.

Waxa ay sheegeen saraakiisha booliiska in raga hubeesan loogu galay guri ay galeen , waxaana halkaasi lagu dilay labo kamid ahaa ragii hubeesnaa ee dilka geestay halka saddex kalana ciidamada nolosha kusoo qab teen.

Ciidamada booliiska ayaana magaalada Baledweyne kusoo bandhigay meydadka labada nin ay dileen, waxaana saddexda nin kale ee qabteen ciidamada u gudbiyeen saldhiga booliiska halkaas oo baaritaano lagula sameenayo.

Magaalada Baledweyne ayaa ammaankeeda si weyn loo adkeeyay, waxaana magaaladaasi ku sugan Madaxweynaha maamulka Hirshabelle Cali Guudlaawe, waxaa sidoo kale ka socota doorashada Xildhibaanada gollaha shacabka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Shil kale oo Diyaaradeed oo ka dhacay Mareykanka iyo Khasaaro ka dhashay

Cabdi Cade

Xog cusub oo laga helay askarigii toogashada ka geystay Xerada Imaaraadka

Caydiid Ali

Puntland oo joojisay kulan ka dhan ah Imaaraadka oo ka dhici lahaa Garowe

Caydiid Ali
Taboola Ads ---