Allbanaadir.com
NEWS

Xamse Barre oo booqday xarunta Machad Cilmibaaris oo kuyaalla Masar (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre oo booqasho ku jooga dalka Masar ayaa saaka lagu soo dhaweeyay machadka cilmibaarista caafimaadka xoolaha ee dalka Masar.

Xamse Barre ayaa booqday Machadkan kuyaalla magaalada Qaahira isaga oo dhiirigelinaya inay iskaashi la yeeshaan hey’adaha u igman faya-dhawrka caafimaadka xoolaha ee dalkeena.

Ra’isul Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xamase Barre ayaa madaxda machadkan ka codsaday in ay Soomaaliya ka caawiyaan faya-dhawrka caafimaadka xoolaha sidoo kale tababaro siiyaan aqoonyahano Soomaaliyeed.

Machadka cilmibaarista caafimaadka xoolaha ee dalka Masar oo la aasaasay sannadkii 1904 ayaa waxa uu heer caalami ah kaga jiraa adeegyada iyo daraasaadka la xiriira faya-dhawrka xoolaha.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Iran oo qabatay Shabakada u shaqeeneysay Sirdoonka Isra’il iyo keyd hub ah

Cabdi Cade

Masuuliyiinta Hirshabelle oo loo qabtay iney 48 saacadood uga baxaan Belad-weyne

Caydiid Ali

La-taliyaha amniga Qaranka oo Gudoomiyey shir looga hadlay arrimo xasaasi ah

Caydiid Ali
Taboola Ads ---