Xiisad caawa ka taagan Magaalada Boosaaso iyo dagaal mar kale laga cabsi qabo

Magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari caawa waxaa laga dareemayaa xaalad kacsanaan iyo cabsi dagaal, ka dib markii ay burbureen wadahadalo saddex wareeg ah oo ay yesheen Madaxweynaha Puntland iyo taliyaha ciidanka PSF.

Kulanka labada dhinac ayaa waxaa ku dhex jiray Isimada Puntland oo doonayay in la saxiixo go’aamadii ay ka soo saareen dagaalkii ka dhacay magaaladaas.

Boosaaso ayaa lagu wadaa in maalmaha soo socda lagu qabto doorashada 16 kursi oo degaan doorashadoodu tahay Boosaaso iyadoo ay jiraan cabashooyin la xiriira doorashada kuraasta qaar oo deni uu doonayo inuu boobo.

Taliyaha ciidanka PSF Gen. Maxamuud Cismaan Diyaano  oo qoraal soo dhigay bartiisa facebook ayaa si aan toos aheyn uga hadlay kulamadii uu la qaatay Deni kaasoo u qornaa sidatan:-

Marna Ma Aqbalayno In Laga Talaabo Isimada Goaanka U Dambeeyay aan Ku Kala Tagnayna Wuxuu ahaa Raac o Dhaqan Geli Isimadu Goaankay soo saareen Ee Ugu dambeeyay. Wixii Intaas kasoo Hara Waa Hal Bacaad lagu lisay.

Ma ihi Qof baahan Oo shilimaad siisan Kara mansab Umadeed Iyo Mansab Isin Xuduudka kale Oo laga Talaabsan Karin Baa ah asna in ay Magdhow helaan shacabki Magaalada Bosaaso lagu Xasuuqay Oo khsaare nafeed Iyo Maal Gaareen.

Booosaaaso Dadkeedi nagarab Istaagay waqti adag Kuma bedelan Karno shilimaad anagoo Danteena khaaska eegeyna, Bosaaso Waa PSF ’ PSFna Wa Bosaaso.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -