Dal ansixiyey dawo cusub oo dadka ka caawin karta cudurka COVID-19

Dowladda Japan ayaa ansixisay isticmaalka dawo la rumeysan yahay in dawada ay dadka ka caawin karto in ay ka caafimaadaan cudurka korona kaddib toddobaad uun kaddib markii Mareykanka uu ogolaaday in xaaladaha deg dega ah loo adeegsan karo.

Dawada Remdesivir ayaa waxaa sameeyay shirkadda soo saarta dawooyinka ee Gilead, waxaana markii loo soo saaray in lagu daweeyo cudurka Ebola.

Waxaa jirto caddeyn iyo faham kooban oo ah in dawada ay dadka ka caawin karto in ay ka caafimaadaan cudurka korona, sida ay saraakiisha Mareykanka sheegayaan.

Remdesivir waxay hoos u dhigeysaa astaamaha lagu garto xanuunkaillaa 11 maalmood halkii 15 ay ahaan lahayd, sida lagu ogaaday tijaabo laga sameeyay daafaha caalamka.

Shirkadda Gilead waxay sheegtay in boqolkiiba 50 bukaanada qaatay dawadan laga soo saaray isbitaalka muddo labo gudahood isla markaana natiijada kasoo baxday ay noqotay mid waxtar leh.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -