Aabe dilay saddex gabdhood oo uu dhalay, ka dibna isagii isdilay (Sawirro)

Aabe hubeysan ayaa toogasho ku dilay saddex gabdhood oo uu dhalay iyo qof korjooge ka ahaa caruurta isagoo ka dibna isdilay intii lagu guda jiray booqasho uu Isniintii ugu tegay gabdhihiisa oo ku magaalada Sacramento ee gobolka California ee Mareykanka.

Booliiska ayaa sheegay in loogu yeeray xabado dhacay abaare 5:00pm ee Isniinti, kadibna ay u tageen shan qof oo meyd ah oo uu ku jiro qofka toogashada fuliyey.

Falkan ayaa ka dhacay kaniisad ku taalla xaafadda Arden-Arcade, sida uu sheegay Rod Grassmann oo ka tirsan booliska Sacramento.

Ninka toogashado fuliyey ayaa waxay horey u kala tageen hooyada dhashay gabdhaha, taasoo haysatay amar ka fogaansho oo ka dhan ah, sida uu sheegay Sheriff Scott Jones oo ka tirsan booliska Sacramento.

Dambi-baarayaasha ayaa rumeysan in toogashada ay dhacday intii lagu guda jiray booqasho korjoog laga ahaa oo aabaha wax dilay uu ugu tegay caruurtiisa..

Magaca qofka fuliyey toogashada ayaan weli la shaacin, balse saraakiisha ayaa sheegay inuu ahaa 39 jir, mana cadda sababta falkan ku kaliftay inkastoo boolisku ay wadaan baaritaano.

Barasaabka gobolka California, Gavin Newsom ayaa sheegay in xafiiska uu la shaqeynayo sharci-fuliyayaasha. “Ficil kale oo ah rabshad hub oo aan macno laheyn ayaa ka dhacay America – Markan waa daaraddeena. Waa kaniisad ay caruur ku dhex-jireen. Waa wax aad looga naxo dhab ahaantii,” ayuu yiri.

- Advertisement -