Ciidamada amniga dowlada Somalia oo soo afjaray howgalkii ka socday Hotel SYL

Ciidamada amaanka dowlada Somalia ayaa xalay gelinkii dambe xiliga Muqdisho soo afjaray weerar socday muddo ka badan 8 saacadood oo dabley ka tirsan Al-shabaab ay ku galeen hotelka SYL ee magaalada Muqdisho.

Soo afjarida weerarkan ayaa waxaa warbaahinta u xaqiijiyey afhayeenka Wasaarada warfaafinta ee Xumuumada Somalia Ismacil Mukhtaar Cumar (Oranjo).

Daryanka qaraxyo waaweyn iyo tacshiirad ayaa illaa xalay gelinkii dambe laga maqlayey gudaha hotelka SYL oo ay ku dagaalamayeen ciidamada amaanka iyo dableyda soo weerartay hotelka.

Hubka culus ee xalay maqlayey ayay wararka qaar sheegayaan iney adeegsanaayeen ciidamada amaanka oo burburinaayey goob shub ah oo laga saari waayey labo ka mid ah dableyda oo loo caal waayey.

Ugu yaraan 10 qof oo iskugu jira shan ka mid ah dableyda weerarka fulisay, ciidamada amniga iyo shacab ayaa la xaqiijiyey illaa hadda iney ku dhinteen weerarkii xalay oo ay ka qeyb qaateen Ciimdaada Ilaalada Madaxtooyada, Booliska Soomaaliya iyo Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee NISA.

Intii uu howlgalku socday waxa ay ciidamadu ku guuleysteen in ay gudaha Hotel-ka SYL kasoo badbaadiyaan ku dhawaad boqol qof oo kamid ahaa dadkii ku jiray hotelka.

Waa markii 3aad ee kooxda Al-Shabaab ay beegsato Hotelka SYL oo ay degan yihiin Xildhibaano, Masuuliyiin iyo qurbajoog

Dad ka badan 20 ruux ayaa lagu dilay weerar dabayaaqadii bishii August ee sanadkii 2016-kii lagu qaaday hotelkan oo amnigiisa si weyn loo adkeeyo, waxaana ka horeeyey Weerar kale oo lagu beegsaday isla hotelka SYL oo dhacay bishii February ee isla sanadkii 2016-kii.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -