Jawaari oo ku biiray Shirka Musharaxiinta Madaxweyne uga socdo Muqdisho

Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) ayaa ku biiray shirka Musharaxiinta xilka Madaxweynaha uga socda Muqdisho.

Jawaari ayaa caawa gaaray hotelka Jasiira oo ah halka uu ka socdo shirkan oo looga hadlay maalintii afraad Arrimaha doorashooyinka, xaaladda siyaasadeed, marxalada kala guurka ah ee dalku xiligaan marayo iyo qodobo kale.

Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ahaa mas’uulkii ugu sareeyay DF ee isku casilay khilaafkii u horreeyay ee soo kala dhex-galay Baarlamaanka iyo dowlada ay horkacayeen Madaxweyne Farmaajo iyo Ex-RW Xasan Cali Kheyre.

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya Cabdi Xaashi C/llaahi iyo ku-xigeenkiisa Abshir Bukhaari ayaa ku biiray shirka oo xubnaha ka qeyb galaya isku dayayaan iney madaxweyne Farnaajo iyo madaxda dowlad goboleedyada ku cadaadiyaan iney isbedel ku sameeyaan guddiyada doorashooyinka, iyagoo doonaya in laga saaro xubno ka tirsan Nabad sugida iyo shaqaalaha dowlada oo ay sheegeen lagu soo daray guddiyadaas.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com
  

- Advertisement -