Madaxweyne Deni oo Boosaaso kula kulmay Taliyihii uu xilka ka qaaday ee ciidanka PSF

Madaxtoyada magaaladda Bosaaso waxaa kulan uga Socdaa Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullahi deni iyo Maxamud Cismaan cabdullaahi (Diyaano) oo ah Agaasimihii PSF ee uu deni horay u sheegay in uu xilka ka qaaday.

Kulankan ayaa looga hadlayaa arrimaha la xiriira kilaafkii Dagaalku ka dhashay iyo xalinta tabashooyinka la kala tirsanayo waxaa goob joog ka ah Ismada Puntland.

Deni oo maalmahan ku sugnaa Boosaaso ayaa la soo sheegayaa inuu aqbalay lixdii qodob ee isimada Puntland ku xaliyeen xiisadii ka dhalatay xilka ka qaadistii taliyaha PSF.

Qodobadaas waxaa ku jiray in Deni uu ka laabto xilka ka qaadista taliyaha PSF Maxamuud Cusman Diyaano, lamana shaacin waxyaabaha ka soo baxay kulanka galabta oo la doonayo in lagu soo afjaro xiisada ka taagan magaalada Boosaaso.

- Advertisement -