Rooble oo kulan la yeeshay Taliyaasha Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa shir la yeeshay taliyeyaasha hay’adaha ammaanka dalka iyo ciidammada AMISOM.

Kulankan Rooble la qaatay taliyaasha ciidanka ayaa diiradda lagu saaray adkeynta amniga guud ee dalka, gaar ahaanna amaanka caasimadda Muqdisho.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa faray hay’adaha amnigu inay xoogga saaraan dardar gelin howlgallada ka dhanka ah argagixisida ee guud ahaan gobollada dalka iyo in si gaar ah loo adkeeyo amniga caasimadda oo lagu qabanayo doorashooyinka guddoonnada Labada Aqal ee Baarlamaanka iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda.

- Advertisement -