Ciidamo cusub oo Milatari ah oo la geeyay Degmo Al Shabaab Go’doomiyeen (Sawirro)

Ciidamado cusub oo katirsan milatariga Soomaaliya dhawwaana tababar loogu soo gabagabeeyay magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ee maamulka Koonfur Galbeed ayaa maanta la geeyay degmada Waajid ee gobolka Baay.

Masuuliyiin katirsan maamulka degmada Waajid iyo saraakiil ciidan ayaa soo dhaweeyay ciidankan cusub ee katirsan milatariga Soomaaliya gaar ahaan qeybta 60aad  ee la geeyay degmada Al Shabaab go’doomiyeen ee Waajid.

Ciidankan ayaa loogu tala galay in ay qeyb ka noqdaan ciidanka milatariga ee horey ugu sugnaa degmada Waajid, waxaana saraakiisha ciidankan hoggaamineysa sheegeen in ay fulin doonaan howlgalo ka dhan ah Al Shabaab.

Degmada Waajid iyo Degmooyin kale oo katirsan gobolada Baay iyo Bakool ayaa waxaa go’doomiyay dagaalyahanada Al Shabaab, waxaana deegaanadaasi ka jirta xaalad adag oo dhinaca nolosha ah.

- Advertisement -