Qoys ka kooban 11 qof oo dhamaantood isdaldalay & Warbaahinta caalamka oo hadal heysa (Daawo Sawirro)

Qoys 11 qof ka kooban oo ku noolaa dalka Hindiya ayaa meydkooda la heley, iyaga oo lagu ceejiyay xarig, lagana soo laadlaadiyay saqafka gurigooda oo ku yaala magaalada Delhi.

Booliiska ayaa heley warqad dardaaran ah, taasoo muujinaysa inay isu dileen caado dhaqameed ay aaminsanyihiin oo naf hurnimo ah, taasoo dad badan ka yaabisay.

Qoyskan waxaa lagu magacaabaa reer Bhatia, dadka dhintayna waxaa ka mid ah nin 75 jir ah oo lagu magacaabo Narayan Devi, gabar uu dhalay, labo wiil oo uu dhalay iyo xaasaskooda, iyo shan ilmood oo uu awoow u yahay.

Waxa ay xaafada ku lahaayeen dukaan alaabaha tafaariiqda lagu iibiyo muddo 20 sano ah.

Dadka dariska waxa ay sheegeen in qoyska ay ahaayeen dad firfircoon oo ka qeybqaata hawlaha bulshada wada degen, mana aysan jirin qof ay dhibaato kala dhaxaysay.

Waraaqaha la heley waxaa ka mid ah kuwa lagu qorey sidii ay isu dili lahaayeen qoyskan, waxaana aad u hadal haya warbaahinta dalkaas.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -