Muxuu ka dhiganyahay Kulanka Musharax Khayre iyo Sergey Lavrov?

Ma aha wax ugub ah in musharrixiintu ay dadaal dheer u galaan xoojjinta qorshahooda noqoshada madaxweynaha dalka, hase yeeshee musharrax waliba heer ayuu gaarsiisanyahay marka ay timaado xariirkiisa dibadda iyo gudaha.

Marka laga soo tago musharrixiinta qaar uusan dhab ka aheyn tartanku oo ay ka badantahay maalmaha yar ee ololuhu socdo, is-jooxaarrinta, la kulanka dadka iyo ku shaxaadidda ganacsatada ay isku heybta yihiin, dhammaan musharrixiinta waxay ka simanyihiin anay sameystaan xarriiro ay isleeyihiin waxay qeyb ka qaadan karaan karaarinta ololahiinna doorashada.

Xariirka Dibadda Ee inta la xasuusto musharrixiintii madaxweyne ee dalka

Aan ka billaawnee, madaxweynaha uu waqtigu kasii dhamaanayo, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xilligii uu musharraxa ahaa waxaa saldhig u ahaa Nairobi, waxuuna halkaas kula kulmi jiray sida uu sheegay wakiillo ka socda dowladaha daneeya arrimaha Soomaaliya inkasta oo aan laga heyn caddeyn marka laga tago inuu isagu warbaahinta ka sheegi jiray.

Sidaas oo ay tahay, marka laga tago inuu dhistay xariir uu la leeyahay dalalka Eretria iyo Ethiopia, madaxweyne Farmaajo cidda kaliya ee xariirka la hubo uu lahaa maantana la leeyahay waa Fahad Yaasiin Xaaji Daahir oo isna xariir lasii leh qeybta sirdoonta Qatar oo usoo wakiishay arrimaha Soomaaliya,

Musharrixiin kale ayaa siyaabo kala duwan loola xariirin jiray inay ku xiranyihiin wadamada deriska iyo wadamada Khaliijka, qaarna xariirkoodu waa mid aan qarsooni laheyn.

Ololaha musharraxnimada Khayre ee dibadda

Xasan Cali Khaye oo markii uu banneeyay xafiiska wasiirka 1-aad kadib isu sharraxay xilka madaxweynaha dalka ayaa ololihiisa ka billaabay dalka dibaddiisa, waxuuna safarkiis ugu horreeyay ku tegay dalka aan walaalaha nahay ee Djibouti oo waqti badan soo geliyay did-u-dhiska dowladnimadeenna, kadib waxuu uga sii gudbay Kenya iyo Turkey.

Kulanka Khayre iyo Sergey Lavrov

Laga soo billaabo March 9, 2004 ayuu Sergey Lavrov wasiirka arrimaha dibadda ka ahaa dalka Ruushka oo kamid ah shanta dal ee leh codka diidmada qayaxan, waxaana taasi ay muujineysaa inay adagtahay in cid kasta ay kulankiisa fursad u hesho iskaba daa inay kala hadasho arrimo masiiri ah. In Khayre uu kulan la qaato Lavrov, ayna ka wada hadlaan arrimo masiiri ah, oo hadana aan la qarin ee wasaaradda arrimaha dibaddu baahiso ayaa noqtay arrin culeykeeda leh.

Dadka qaar ayaa u fasirtay in Ruushku uu sii saadaaliyay in madaxweynaha 10aad ee Jamhuuriyadda uu noqonayo Xasan Cali Khayre, sidaa darteedna ay go’aansadeen inay sii billaabaan u gogol xaaridda xaridda xoojinta xariirka labada dowladood ka dhexeeya.

Dadka Falanqeeya siyaasadda ayaa qaarkood ku doodaya in Khayre dalka Soomaaliya xariirka uu la leelayay caalamka intiisa kale uu wanaajin karo marka uu noqdo madaxweynaha dalka, hadiiba hadda oo musharrax uu yahay uu xariir aan qarsooneyn la leeyahay wadamada ugu awoodda badan dunida.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -