Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Milateriga Ruushka oo gaaray duleedka caasimada Ukrine ee Kiev (Sawirro)

Ciidamada Ruushka ayaa la wareegay Saldhiga Ciidamada Cirka Ukraine ee Antanov oo 30Km i jira Magaalada caasimada ee Kiev sida ay baahisay wakaalada wararka ee Reuters

Warbaahinta Ruushka ayaa sheegay in ciidamada dalaayadaha ku booda ay saldhigaas qabsadeen Waxaana ay u Gudbeen dhanka Caasimada.

Wararka qaar ayaa sheegaya in ciidamada Ruushka ee ka soo galay aaga xadka Belarus ay gaareen meel 20km ka baxsan caasimada Kiev.

Sida ay saadaaliyeen saraakiil ka tirsan sirdoonka reer galbeedka, dagalkan si degdeg ah ayuu u qarxay, waxaa laga yaabaa in uu ka degdeg batay sidii ay filayeen.

Kolonyo gaadiidka gaashaaman ee Ruushka ah ayaa si dhaqsi ah ugu talaabay xuduuda Ukraine iyaga oo maray dhinaca Crimea iyo Belarus.

Sidoo kale, Warshada tamarta Nukliyeerka ee Chernobyl oo ku taalla Ukrine ayaa waxaa qabsaday ciidamada Ruushka, sida uu sheegay la taliyaha Xafiiska Madaxtooyada Ukraine, Mykhailo Podolyak.

Warshada tamarta Nukliyeerka ee Chernobyl
Warshada tamarta Nukliyeerka ee Chernobyl

Related posts

Gudoomiyaha golaha shacabka oo la kulmay Francisco Caetano (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Raisul Wasaaraha Somalia oo xalay kormeeray qaar ka mid ah Isgoysyada Muqdisho

Caydiid Ali

Dowlada oo Ciidamo badan maanta ka dejisay Gobolka Gedo (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---