Raisul Wasaaraha Somalia oo xalay kormeeray qaar ka mid ah Isgoysyada Muqdisho

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa xalay kormeer ku tagay goobaha lagu baaro gaadiidka ee ku yaalla Waddooyinka Magaalada Muqdisho sida Wadnaha, Sodonka iyo Warshadaha iyo meelo kale oo badan.

Kheyre ayaa kulamo xog-wareysi ah la qaatay Askarta ku sugan baraha kontrol ee laga galo Magaalada Muqdisho, kuwaasoo si weyn loogu baaro gaadiidka gudaha u galaya magaalada.

Kheyre ayaa xilliga uu kormeerayey Baraha kontorl ee ku yaalla Magaalada Muqdisho kali ku ahaa sida uu sheegay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Amniga Cabdinaasir Siciid Muuse.

Kormeerka kadib Xasan Cali Kheyre ayaa kulan gaar ah la qaatay mas’uuliyiinta laamaha ammaanka isaga oo kala hadlay sidii loo xoojin lahaa howlgalada, maadaama qaybaha dambe ee bisha Ramadaan lagu jiro, isla markaana ay soo dhawdahay munaasabadda Ciidul fidriga.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Amniga ayaa sheegay in Ra’iisul Wasaaraha Kheyre uu u gudbiyay Saraakiisha waxyaabaha uu kula soo kulmay goobaha uu ku tagay kormeerkii xalay.

Kormeerka Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre ayaa imaanaya iyadoo magaalada Muqdisho ay maalmihii la soo dhaafay ka dhaceen dilal iyo qaraxyo kala duwan xili lagu guda jiro bisha barakeysan ee Ramadaan oo haatan gebogebo ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -