Dowlada oo Ciidamo badan maanta ka dejisay Gobolka Gedo (Daawo Sawirada)

Garoonka Diyaaradaha degmada Doolow ee gobolka Gedo waxaa ka degtay diyaarado gaar ah oo waday ciidamo katirsan dowlada Soomaaliya oo laga daad gureeyay magaalada Muqdisho.

Ciidamadan oo katirsan kuwa sida gaarka ah u tababaran ee dowlada Soomaaliya ayaa loo qaaday degmada Balad Xaawo ee gobolka Gedo gaar ahaan dhinaca xuduuda ay wadaagn Soomaaliya iyo Kenya.

Sida aan wararka ku helnay ciidamadan ayaa loogu tala galay in lagu xoojiyo ciidamada dowlada ee ku sugan xadka Balad Xaawo la wadaago magaalada Mandheera oo maalmahan xiisad ka jirto.

Dowlada Soomaaliya ayaana wali ciidamo badan u daad gureeneysa gobolka Gedo gaar ahaan degmada Balad Xaawo oo laga cabsi qabo in ay ka dhacaan dagaal u dhaxeeya ciidamada Dowlada iyo kuwa Jubbaland oo garab ka helaya ciidamada Kenya.

Ciidamadan loo daad gureenayo gobolka Gedo ayaa imaanaya xili dowlada Soomaaliya ku eedeesay Kenya in ay soo hubeeneyso ciidamo uu wato Cabdirashiid Janan oo mar kale duulaan kusoo ah degmada Balad Xaawo oo hada maamusho Dowlada Federaalka.

                                                                                                                              Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -