Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

DEG DEG: Dagaal qaraxyo ku bilowday oo ka socda qeybo ka mid ah Muqdisho

Qaraxyo xoogann ayaa goor dhow abaare 1:00 saq dhexe ee habeenimo ka dhacay degmada Kaxda ee gobalka Banaadir,

Dhawaqa qaraxyada ayaa si weyn looga maqlay qaybo ka mid ah magaalada xili dadka qaar ay hurdayeen.

Qaraxyada ka dib waxaa bilaabatay rasaas xoogan oo ka dhaceysay dhinaca degmada Kaxda ee duleedka magaalada.

Goob joogayaal ku sugan degmada kaxda ayaa allbanaadir Online u sheegay in xaaladu ay caawa qasan tahay, dagaal culusna uu socdo.

Wararka qaar ayaa sheegaya in xoogag taabacsan Al-shabaab ay weerar ku soo qaadeen xarumo dowladeed oo ku yaalla degmada Kaxda.

Dhinaca kale, qaraxyo iyo rasaas xoogan ayaa sidoo kale laga maqlay xaafada daaru salaam ee duleedka magaalada Muqdisho, weli lama oga sida ay wax socdaan iyo khasaaraha.

La soco wixii soo kordha

https://www.youtube.com/watch?v=MRlWDJfngnc

Related posts

Itoobiya oo xafiis cusub u sameysay Hub ka dhigista Ururada hubeesan

Cabdi Cade

Ha’yadda Yaasmiin Foundation oo 14 jirsatay (Sawirro)

Caydiid Ali

Kenya oo shaacisay iney wafdi culus u direyso caleemo saarka Axmed Madoobe

Caydiid Ali
Taboola Ads ---