Kenya oo shaacisay iney wafdi culus u direyso caleemo saarka Axmed Madoobe

Kenya ayaa wafdi u direysa magaalada Kismaayo si ay uga qeyb galaan caleemo saarka Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).

Hogaamiyaha aqlabiyadda Kenya, Aadan Barre Ducaale ayaa sheegay in Kenya ay caleemo saarka Axmed Madoobe u direyso wafdu culus oo ka kooban 40 xubnood.

“Wafdi culus oo ka socda dowlada Kenya ayaa Kismaayo kaga qeyb geli doono caleemo saarka Axmed Madoobe” ayuu yiri Ducaale.

Kenya ayaa horey u aqoonsatay doorashadii Axmed Maxamed Islaam halka dowladda Federaalka ee Soomaaliya ay ku tilmaantay mid sharci darro ah oo aaney waxba ka jirin.

Madaxweyneyaashii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Shariif Sheekh Axmed iyo xubno kale ayaa shalay gaaray Kismaayo si ay uga qeyb galaan xafladda caleema saarka Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).

Arintan ayaa muujineysa heerka ay gaarsiisan tahay fara-gelinta iyo qaska ay dalalka deriska qaarkood ku hayaan arrimaha gudaha ee Somalia iyo saameynta ay ku leeyihiin qaar ka mid ah madaxda dowlad goboleedyada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -