Allbanaadir.com
NEWSSOUTH WEST

Ciidamada dowlada oo gacanta ku dhigay burcad dadka dhibaato badan ku hayay (Sawirro)

Ciidanka Xoogga dalka, gaar ahaan Ururka 64aad ee Guutada 7-aad ayaa howlgalo gaar ah ay ka sameeyeen deegaano katirsan gobolka Shabeelaha Hoose waxa ay kusoo qabteen koox burcad hubeesan .

Burcadan hubeesan ee ku sugnaa deegaano katirsan gobolka Shabeelaha Hoose ayaa inta badan dhac iyo dhibaatooyin kalaba u geesan jiray gaadiidka safarka ah ee isticmaala deegaanada ay joogeen.

Ciidanka xoogga Soomaaliyeed oo la gaarsiiyay cabashada shacabka ee ku aadan buracadan dadka xoolahooda iyo gaadiidkaba dhaca u geesta, waxa ayna ciidamada howlgalo ay sameeyeen ku guuleesteen in burcadan soo xiraan.

Saraakiisha ciidanka xoogga Soomaaliyeed ee howlgalka fuliyay ayaa sheegay in burcadan ay gacanta kusoo dhigeen loo gudbin doono laamaha cadaaladda si loo marsiiyo ciqaabta dambiyadii ay gacanta kula jireen .

Gobolka Shabeelaha Hoose waxaa ka howlgala kooxo burcad hubeesan oo qaarkood yihiin macawuusley iyo kuwa kale oo ciidanka katirsan ,kuwaa oo dhac iyo dhibaatooyin kalaba gaarsiiya dadka socotada ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

https://www.youtube.com/watch?v=fRzSdB1VdCc

Related posts

Qorsheynta wajiga labaad ee dhimista ciidamada TMIS oo bilaabatay

Caydiid Ali

Reer Galbeedka oo shuruud ku xiray in Taliban loo fasaxo Balaayiin dollar oo xaniban

Caydiid Ali

Shirkii ugu horeeyay ee Cilmi baaris Caafimaad oo lagu qabtay Muqdisho (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---