Guddoomiye Mursal oo si kulul u dhaiilay Wasaarada dastuurka Somalia (Daawo Sawirro)

Guddiga joogtada ee Golaha shacabka ayaa maanta xarunta Golaha Shacabka kula kulmay xubno uu hogaaminaayay Wasiir ku xigeenka Wasaarada Dastuurka ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Xuseen Cabdi Cilmi.

Kulanka ayaa waxaa looga hadlay halka ay marayaan hanaanka dib u eegista dastuurka, wada shaqeynta guddiyada dastuurka iyo Wasaaradda dastuurka.

Wasaaradda Dastuurka ayaa soo bandhigtay intii uu kulanka socday cutubyada lagu guuleystay in dib u eegis lagu sameeyo iyo kuwa hada ay dib u eegista ku socdaan.

Sidoo kale wasaaradda Dastuurka ayaa soo bandhigtay jadwalka shaqada ee la xiriira howlaha dib u eegista iyo caqabadaha hor taagan in qodobada qaar dib u eegis lagu sameeyo.

Wasiir ku xigeenka Wasaarada Dastuurka ee Xukuumada Soomaaliya Mudane Xuseen Cabdi Cilmi ayaa sheegay in Wasaarada Dastuurka ay wado dadaaladii ugu dambeeyay ee dib u eegista loogu sameynayo dastuurka.

“Runtii wasaarada dadaal ayay wadaa, golaha shacabka waxaan ka codsanaya in wasaarada dastuurka iyo guddiyada dhisan inaad kala shaqeysaan howlaha culus ee horyaallo, si loogu guuleysto in dastuur loo dhan yahay aan yeelano”. ayuu yiri wasiir ku xigeenka wasaarada dastuurka.

Xubnaha guddiga joogtada ee kulanka ka qeyb galay ayaa wasiir ku xigeenka iyo xubnihii la socday weydiiyay su’aalo ku saabsan cutubyada dib u eegista lagu sameeyay, sidoo kale waxa ay ku biiriyeen talooyinkooda.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa si kulul u weerarray qaabka ay Wasaaradda Dastuurka u wado arrimaha dib u eegista Dastuurka, isagoo sheegay inuusan ogolaan doonin qaabka uu ku socdo Dastuurka.

Isagoo hadal ka jeediyey kulan Guddiga Joogtada uu la yeeshay Masuuliyiin ka socday Wasaarada Dastuurka oo uu hogaaminayay Wasiir-kuxigeenka Wasaaradda Dastuurka Xuseen Cabdi Cilmi ayuu sheegay in ururro caalami iyo Guddiyo kala duwan ku howlan yihiin Dastuurka haddana  waxqabadkii uu noqday Af-soomaali laga saxay Cutub iyo dib eegis qabyo ah, wuxuuna rajo xumo weyn ka muujiyey in dastuurka lagu dhameyn karo sanadka 2019-ka.

”Golaha shacabka waxa uu matalaa shacabka Soomaaliyeed, warbixinta aad manta na siiseen ma ahan mid aan ku qanci karno mana aqbaleyno in howsha dib u eegista ay sidaan ku sii socoto, waxa rabnaa inaad la timaadaan qorshe cad, golaha shacabka waxa uu diyaar u yahay inuu idiinla shaqeeyo habeen iyo maalin”. ayuu yiri guddoomiye Mursal.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

.

- Advertisement -