Donald Trump oo lagu casuumay dhageysiga Dacwado loo heesto iyo Sababta keentay

Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa lagu casuumay in uu kasoo qeyb galo dhageysiga dacwadaha ka dhan ah ee la doonayo in xilka Madaxweynanimo looga qaado.

Xildhibaanada aqalka Koongreska Mareykanka ayaa Donlad Trump ku casuumay 4-ta bisha Disembar in uu ku hor yimaado Xildhibaanada si uu u dhageyso marqaatina uga noqdo dacwadaha loo heesto.

Guddoomiyaha guddiga garsoorka ee qalka Kongreska Jerrold Nadler, ayaa sheegay sababta Madaxweyne Trump loogu casuumay dhageysiga dacwada ay tahay in uu xaqiiqada ogaado iyo in uu joojiyo wax ka sheegista hanaanka ay dacwada u socoto.

Madaxweynaha dalka Mareykanka hadii uu ka qeyb galo dhageysiga dacwadaha loo heesto ee horyaala aqalka koongareyska ayaa waxaa loo wareesan doonaa sida qof marqaati ah oo kale.

Talaabadan loogu yeeray madaxweyne Trump ayaa gogol xaar u ah tallaabada xigta ee qorshaha xil ka qaadista lala damacsan yahay , waxaana loo heestaa wicitaankii dhanka taleefonka ee dhexmaray isaga iyo dhiggiisa Ukarine, Volodymyr Zelensky.

Trump ayaana dhiggiisa Ukraine ka dalbaday in uu baaritaan ku sameeyo madaxweyne ku xigeenkii hore ee Mareykanka, Joe Biden oo haatan kamid ah siyaasiyiinta u hanqal taagaya doorashada madaxtinimo ee Mareykanka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -