Guddiga Gurmadka Abaaraha oo Warbixin la wadaagay Cabdiraxmaan Cabdishakuur

Guddiga Gurmadka Abaaraha oo kulan shalay la yeeshay Ergayga gaarka ah ee Madaxweynaha u qaabilsan arrimaha bani-aadannimada iyo gurmadka abaaraha  Cabdiraxmaan Cabdishakuur , ayaa waxa ay u gudbiyeen warbixin la xariirta xaalada abaarta.

Guddiga ayaa la wadaagay Ergay Cabdiraxmaan Cabdishakuur in abaarta si xooggan u  saameesay 66-degmo oo kuyaalla dalka sidoo kale xaalad biyo la’aan iyo cunto yari wajahayaan dad gaaraya 6.9 milyan oo dollar.

Ergayga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan arrimaha Bani-aadannimada iyo gurmadka abaaraha ee Soomaaliya, ayaa u mahad celiyey guddiga isagoo ugu baaqay in ay wadashaqayn buuxda yeelan doonaan, si dalka looga samatabixiyo abaaraha.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -