Allbanaadir.com
NEWSSOUTH WEST

K/Galbeed oo amar cusub soo saartay ka dib xanibaadii C/wali Muudey (Akhriso)

Wasaarada amniga maamulka Koonfur Galbeed ayaa soo saartay awaamiir cusub oo la xiriira amniga doorashada xubnaha golaha shacabka Soomaaliya.

Qoraal ay soo saartay wasaarada ayaa musharaxiinta doorashada golaha shacabka waxaa looga mamnuucay iney hub iyo ciidan ka dejiyaan magaalooyinka ay ka dhacayaan doorashooyinka iyo xarumaha doorashada intaba.

Amarkan ayaa ku soo beegmay xili maanta Gudoomiye ku-xigeenka baarlamanka C/wali Muudey iyo ciidan ilaalo ah oo uu watay loo diiday iney ka dhoofaan Xamar iyagoo ku sii jeeday degmada Baraawe.

C/wali Muudey ayaa doonayey inuu u tartamo kursiga beeshiisa, waxaana xanibaada lagu soo rogay ka dambeeyey sida la sheegay Fahad Yaasiin oo quudareynaya inuu noqdo Gudoomiye ku xigeenka baarlamanka.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA K/GALBEED

https://www.youtube.com/watch?v=IGs1VGTGzTA

Related posts

Afar Xildhibaan oo lagu doortay Gaalkacyo & muran ka dhashay doorashada kursiga 5aad

Caydiid Ali

Madaxweyne Farmaajo oo weli ku dhegan lacagta Imaaraadka iyo Rooble oo …

Cabdi Cade

Lamaane faqiir ahaa oo hal maalin ku taajiray iyo sida nasiibka u saaciday !(Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---