Boqor Buurmadow oo goordhaw Xabsiga laga sii daayay kadib Cafis loo fidiyay

Boqor Cismaan Aw Maxamuud Maxamed (Boqor Buurmadaw) oo kamid ah Waxgaradka ugu caansan deegaanada maamulka Somaliland ayaa maanta xabsiga laga sii daayay kadib cafis la sheegay in uu u fidiyay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

Xabsiga magaalada Hargeysa uu ku xirnaa mudo bil kabadan ayaa maanta laga sii daayay Boqor Cismaan Buurmadow, waxaana Boqorka horey Maxkamada Hargeysa ugu riday sadex sano oo xabsi ah.

Boqor Buurmadow oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay in uu dib u helo xuriyadiisa, waxa uuna Boqorka tilmaamay in hada xaaladiisa caafimaad ay aad u wanaagsan tahay.

Somaliland ayaa xabsiga dhigtay kuna riday sadex sano oo xabsi ah Boqor Cismaan Aw Maxamuud Maxamed Boqor Buurmadaw oo lagu eedeeyay in uu tagay Deegaan katirsan Puntland kana sheegay hadalo ay dhibsadeen maamulka Somaliland.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -