Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Deni oo ku laabtay Garowe & doorashadii xubnaha golaha shacabka oo..

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo safar ugu maqna dalka Kenya ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay.

Madaxweynaha iyo wafdiga la socday waxaa Garoonka Diyaaradaha ee Garoowe Gen. Mohamed Abshir AirPort kusoo dhoweeyay Goleyaasha kala duwan ee Dowladda Puntland, Xildhibaanada labada Aqal ee Federaal ee dhowaan la doortay, Maamulka Gobolka Nugaal iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada Garoowe.

Deni ayaa todobaadyadii la soo dhaafay ku sugnaa magaaalada Nairobi halkaasoo uu ka waday kulamo hoose oo la xiriira arrimaha doorashooyinka Somalia iyo musharaxnimadiisa

Soo laaabashada ka dib ayaa la filayaa inay sii socoto doorashadii xubnaha golaha shacabka ee laga soo doorto Puntland, taasoo hakad gashay tan iyo markii madaxweynuhu u safray Kenya.

Puntland ayay wararka qaar sheegayaan iney bilaabayso degaan doorashada labaad ee magaalada Boosaaso, inkastoo aan weli la dhammaystirin kuraasta taalla Garoowe.

https://www.youtube.com/watch?v=IGs1VGTGzTA

Related posts

Sarkaal ka tirsan Al-shabaab oo isku soo dhiibay ciidanka Xooga dalka (Sawirro)

Caydiid Ali

Mareykanka oo ka walaacsan booqashada Putin ku tagayo Pyongyang

Caydiid Ali

Haweeney uu abti u yahay Ayatollah Ali Khameni oo baaq yaab leh u dirtay dunida

Caydiid Ali
Taboola Ads ---