Sargaalkii Hirshabelle kula dagaalay Baladweyne oo la heshiiyay Cali Guudlaawe (Sawirro)

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen oo uu wehliyo Madaxweyne Ku Xigaanka Hirshabeelle ayaa la kulmay Korneyl Nuur Dheere Xildhibaan iyo saraakiil kale.
 
Korneylka oo ka mid ah saraakiisha ciidanka Booliiska Dowladda Hirshabeelle ayaa Madaxweynaha ka raali galiyay qadafkii ka dhacay, waxaa uuna balan qaaday inuu diyaar u yahay inuu la shaqeeyo Madaxweynaha.
 
Dhanka kale Madaxweynaha ayaa bogaadiyay imaanshaha uu u yimid waxa uuna aqbalay raali galinta, isagoona ka dalbaday in uu la shaqeeyo maamulka Hirshabelle .
 
Madaxweynaha Hirshabelle Cali Guudlaawe ayaa xaliyay dhamaan tabashooyinkii jiray waxa uuna sii wadi doona la kulanka bulshada iyo inuu qanciyo cidwalba oo tabasho qabto.
 
Sargaalkan la heshiiyay Madaxweynaha Hirshabelle ayaa horey ula dagaalamay ciidamada maamulka Hirshabelle ee jooga Baladweyne, waxa uuna kamid ahaa saraakiishii iyo dadkii kasoo horjeeday in Cali Guudlaawe Baladweyne yimaado.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -