Tirtada dadka ku dhintay isbuurashadii Indonesia oo sii korodhay (Sawirro)

Waxaa sii kordheysa tirada dadka ku dhintay isbuurasho xalay ka dhacday garoonka kubadda cagta ee bariga magaalada Java ee dalka Indonesia.

Tirada dhimashada ayaa gaartay 174 qof, halka 180 kale ay ku dhaawacmeen kuwaasoo ay ku jiraan qaar dhaawacyadoodu culus yihiin.

Taliyaha Booliska bariga Java, Nico Afinta ayaa saxaafada u sheegtay in labo askari oo ka tirsan ciidamada booliska ay ku jiraan dadka dhintay oo intooda badan cagta la mariyay.

Afinta ayaa sheegtay in kulankii horyaalka Indonesia Premier League oo ku dhamaatay 3-2 ay Persebaya ku garaacday Arema. Waxa uu sheegay in taageerayaasha Arema – oo loo yaqaan Aremania – aanay ku faraxsanayn natiijada oo ay garoonka soo galeen si ay u baacsadaan ciyaartoyda iyo kooxda Arema.

“Ciidanka booliska ayaa isku dayay in ay ku qanciyaan Aremania inay ku soo laabtaan tarabuunka balse waa laga dhaga adeegay. Ma garanayno sababta ay dadku u noqdeen fowdo sii kordhaysa, oo ay u weerareen booliska. Ugu dambayntii, booliisku waxa ay sunta dadka ka ilmeysiisa ku fureen dadkii isku soo baxay.” ayey tiri Taliyaha Booliska bariga Java, Nico Afinta.

Boqolaal taageerayaasha koox kasta ah ayaa ku orday inay albaabka ka baxaan si ay uga badbaadaan sunta dadka ka ilmeysiisa, laakiin qaar badan ayaa neeftu ku dhegtay kadibna lagu tuntay.

Dadkan careysan ayaa sidoo kale gubay 13 baabuur oo ay leeyihiin ciidamada booliska iyo kuwa xamuulka qaada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -