Allbanaadir.com
NEWS

Booliis sida Milatariga u tababaran oo ka howl bilaabay Muqdisho iyo goobaha lagu arkay

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maalintii Jimcaha sheegay in magaalada Muqdisho ammaankeeda la wareegayaan kana howlgalayaan ciidamo cusub oo tababar kusoo qaatay dalka Uganda .

Ciidamadan cusub ee lagu wareejiyay amniga caasimadda ayaa ah booliis sida milatariga u tababaran, waxa ayna ciidamadan wataan gaadiidka nuuca dagaalka iyo sidoo kale hub nuucyo kala duwan leh.

Qaar kamid ah xaafadaha magaalada Muqdisho gaar ahaan degmooyinka Hiliwaa, Yaqshiid iyo Dayniile ayaa lagu arkay ciidankan cusub, waxa ayna ciidamada bilaabeen howlgalo amniga lagu xaqiijinayo iyo baaritaano.

Ciidamadan ayaa sidoo kale lagu wadaa in saldhigyo ka sameestaan xaafado katirsan magaalada Muqdisho, waxa ayna halkaasi ka bilaabaan baaritaano iyo sidoo kale xaqiijinta ammaanka goobaha amni xumada laga dareemo.

Shacabka magaalada Muqdisho ayaa si weyn usoo dhaweeyay ciidamadan cusub ee lagu wareejiyay amniga caasimadda, waxa ayna shacabka tilmaameen in rejo badan laga qabo amniga magaalada haddii ay ciidamadan si sax ah u howlgalaan.

Ammaanka magaalada Muqdisho ayaa muddooyinkii dambe sii xumaanayay, waxaana magaalada ka dhacayay dilal ay geesanayeen kooxo hubeesan oo katirsan Al Shabaab iyo sidoo kale kooxo burcad ah.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Xi Jinping oo Warbaahinta horteeda ku canaantay Ra’isul Wasaare Justin Trudeau

Cabdi Cade

Eritrea oo si kulul u beenisay Warar laga sii daayey warbaahinta Caalamka

Caydiid Ali

Shirka Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxda Maamulada Ma Shir Mise Sheeko ? ! (Xaqiiqada Ogow)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---