Kursigii Xildhibaan Maryan Cariif ku fadhisay 21-sano oo Xildhibaanad cusub loo doortay

Waxaa maanta magaalada Dhuusomareeb ee caasimadda dowlad goboleedka Galmudug lagu qabtay doorashada labo kursi oo kamid noqonaya kuraasta gollaha shacabka ee Baarlamaanka 11-aad ee federaalka Soomaaliya.

Kursiga tirsigiisu yahay HOP#081 oo mudo 21-sano ah ku fadhisay Xildhibaan Maryan Cariif Qaasim ayaa saakay waxaa ku guuleestay loona doortay Xildhibaanad cusub oo lagu magacaabo Cadar Cali Maxamed ( Shalaqbeen ).

Doorashada kursigan waxaa isku diiwaangeliyay in ay ku tartamaan musharax Cadar Cali Maxamed ( Shalaqbeen ) iyo Nasro Maxamed Dalabeey oo doorashada inta aysan bilaaban ka tanaasushay tartanka sidaasna cod gacan taag ah ugu soo baxday Cadar Cali.

Xildhibaanadan cusub ee saakay la doortay ayaa katirsaneyd shaqaalaha wasaaradda haweenka Soomaaliya, waxa ayna badaleysa Maryan Cariif oo kamid aheyd xildhibaanada ugu saameynta badan baarlamaanka kana tanaasushay sanadkan in ay tartanto.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -