Maxaa ka jira in taliyihii uu Farmaajo shaqada ka joojiyey uu howshiisa iska wato?

Magaalada Muqdisho waxaa ka dhacday xaflad dabbaaldeg ah oo lagu xusayo sannadguurada aasaaska Ciidanka Badda waxaana Xafladdan ka hadlay taliyaha ciidankaas Jen. Cabdixamiid Maxamed Dirir oo hore shaqada laga joojiyey, waxayna arrintani dhalisay hadal heyn badan

Jeneraal Cadixamiid ayaa hawhiisii wata kaddib shaqo joojintii uu u ku sameeyey Madaxweyne Maxamed Cabdillaahi Farmaajo, iyadoo aysan jirin wareegto kale oo sheegeysa in shaqadiisa dib loogu fasaxay.

Madaxweynaha ayaa shaqo joojinta Taliye Cabdixamiid Maxamed Dirir ku sababeeyey iney muhiim tahay inta laga dhammeystirayo Gal-baarritaanka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee ku aaddan tuhunka ku takrifal dhul dan guud ah oo ay leeyihiin Ciidanku.

Taliyaha Ciidammada Badda Soomaaliya, Cabdixamiid Maxamed Dirir ayaa ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble, ku eedeeyay inuu guri raaxo ka dhisanayo dhul uu sheegay inay leeyihiin ciidammada badda oo ku yaalla xaafada Marino ee degmada Kaaraan, inkastoo eedeyntaas lagu tilmaamay mid siyaasadeysan oo laga soo abaabulay madaxtooyada Somalia maadaama lagu soo beegay xili khilaaf adag uu soo kala dhex galay Madaxweynaha iyo RW kaasoo illaa haatan aan la xalin.

Wasiirka Wasaaradda Amniga Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa qoraal uu horey ugu diray Agaasimaha Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya & Taliyaha Booliska Garoonka Aadan-Cadde ku amray in aanu safri karin Taliyaha Ciidanka Badda Soomaaliya Cabdixamiid Maxamed Dirir, maadaama loo haysto inuu aflagaado iyo eedeyn been abuur ah ka faafiyey madaxda sare ee Qaranka qaarkood.

- Advertisement -