Allbanaadir.com
NEWSSOMALILAND

Dowladda Britain oo joojisay taageero ay siin jirtay Maamulka Somaliland

Dawladda Britain ayaa joojinaysa taageerada ay Siin jirtay ciidanka Somaliland ee loogu talo galay la dagaalanka argagixisada kuwaasoo kala ah RRU, SPU & CTU-da.

Taageerada ayaa joogsanaysa 31-ka bishan March ee sanadkan 2020 sida uu sheegay Wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland, Maxamed Kaahin oo Midawga Yurub ugu baaqay inay kaalintaasi buuxiyaan.

Britain ayaa taageero badan oo maaliyadeeda ku bixin jirtay Ciidamada RRU, SPU iyo weliba CTU oo loogu talo galay la dagaalanka argagixisada, inkastoo maamulka Muuse Biixi ay ciidankaas u adeegsan jireen dano kale oo siyaasadeed.

Ciidamadan ayaa marar badan u dhacay guryo iyo xarumo kale oo ay degan yihiin xubno siyaasad ahaan aad uga soo horjeeda maamulka Muuse Biixi, iyagoo soo xirxiray siyaasiyiin iyo dad kale.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Axmed Madoobe oo ka hadlay geeri ku timid oday dhaqameed caan ah

Caydiid Ali

Masuuliyiin uu ka mid ahaa Gudoomiye ku-Xigeenkii gobolka Sh/dhexe oo qarax lagu dilay

Caydiid Ali

Farmaajo: “Saraakiishii & dadkii kale ee caawa argagaxisadu naga leysay waa Shuhado”

Caydiid Ali
Taboola Ads ---