Allbanaadir.com
NEWSSOMALILAND

Somaliland oo afar cisho ah hawada ka saareysa baraha bulshada & sababta ka dambeysa

Maamulka Somaliland ayaa muddo afar maalmood ah oo ku eg khamiista soo socota waxay muddo kooban maalintii xayiraad ku soo rogtay adeegsiga baraha bulshadu ku xiriirto.

Arrintan ayaa ujeedkeedu yahay in looga hortego bay yidhaahdeen in ardayda dugsiyada sare iyo dhexe ee imtixaannadu u socdaan ay isugu gudbiyaan jawaabaha imtixaanka.

Guddoomiyaha guddiga sare ee imtixaanaadka Somaliland Daa’uud Axmed Faarax ayaa sheegay in xayiraada baraha bulshada ay gacan geysatay ka hortaga qishka.

Wasaarada boostada Somaliland iyo shirkadaha isgaarsiinta ayuu uga magad celiyey sida ay arintaas gacan geysteen saacadaha kooban oo la xiray baraha bulshada.

Qeybaha kale ee internetka ayuu sheegay inuu shaqeynayo, amarkan uu khuseeyo oo kaliya baraha bulshada sida facebook, watsap, imo, Twitter iwm, waxayna socon doontaa xayiraadan ayuu yiri afar maalmood oo ku eg Khamiista, iyadoo maalinta kasta la xirayo labada saacadood ee imtixaanka loo fadhiyo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Gambaleelka Suuqii ugu horreeyay ee Saamiyada Itoobiya yeelato oo la yeeriyay

Cabdi Cade

Ciidamo AMISOM katirsan oo kusii jeeday Dhuusomareeb oo is hortaag lagu sameeyay

Cabdi Cade

Madaxweyne Waare oo amar culus siiyey labada gudoomiye ee Hiiraan & Sh/dhexe

Caydiid Ali
Taboola Ads ---