Meydka Gabar yar oo si arxan daro ah loo dilay oo lagu arkay magaalada Gaalkacyo

Wararka ka imaanaya magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa sheegaya in Meydka gabar yar oo si arxan daro ah loo dilay lasoo dhigay xaafad katirsan magaaladaasi.

Caa’isha Ilyaas Aadan, oo aheyd gabar 12-sanoayaa la sheegay in saacadihii lasoo dhaafay ay ka maqneyd qoyskeeda, waxaana meydka gabadhan oo si xun loo jir dilay lasoo dhigay afaafka hore ee gurigooda oo kuyaala Gaalkacyo.

Sida aan Wararka ku helnay meydka gabadhan yar ayaa la geeyay isbitaal kuyaala magaalada Gaalkacyo, waxaana la sheegay in jirka gabadha yar uu ka muuqday jir dil xoogan oo loo geestay.

Waxaana wali la ogeyn sababta gabadhan yar sida arxan darada ah loogu dilay iyo cida ka dambeesay, ciidanka booliiska magaalada Gaalkacyo ayaana bilaabay baaritaano ku aadan dilka gabadhan yar.

Magaalada Gaalkacyo ayaana si weyn loga hadal hayaa dhacdadan cabsida badan ku abuurtay waalidiin badan, waxaana dadka magaaladaasi bilaabeen banaan baxyo ay falkan uga soo horjeedaan.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -