AMISOM oo ka hadashay xayiraadii Gudoomiyaha aqalka sare ee Garoonka Aadan cadde (Daawo Sawirro)

Waxaa maanta kulan ku yeeshay Magaalada Muqdisho guddoomiyaha Aqalka Sare ee Soomaaliya iyo Madaxa Midowga Afrika ee Arrimaha Soomaaliya, dhowr todobaad kadib markii  AMISOM garoonka Muqdisho ku xayireen guddoomiyaha Aqalka Sare oo dalka ka dhoofayey.

Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi oo ay wehlinayeen labadiisa ku xigeen iyo Madaxa Midowga Afrika Francisco Madeira ayaa waxa ay ka wada hadleen xiriirka labada dhinac, iyadoo AMISOM faahfaahisay xayiraadii guddoomiye Cabdi Xaashi.

“Kulankeena waxa uu ku saabsanaa arrimaha amniga iyo protocol-ka, si isku dhow ayaan wax isugu fahanay, waxaana rajeynayaa in lagu qancay sharaxaadii aan bixinay waxana rajeynaya in si dhow an labadeena dhinac u wada shaqeyno ayuu yiri Ambassador Francisco Madeira.

Dhinaca kale guddoomiyaha Aqalka sare Cabdi Xaashi cabdulalahi ayaa isna dhankiisa sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay kulanka dhexmaray labada dhinac iyo kaalinta ay AMISOM kaga jirto nabadeynta Soomaaliya,sida lagu daabacay Warbaahinta AMISOM.

Marka laga soo tago sharaxaada AMISOM ay ka bixisay dhacdadii xayiraada ee Guddoomiyaha Aqalka Sare ma jirin jawaab rasmi ah iyo raali gelin ay ka bixiyeen xayiraada lagu sameeyey 19-kii Bishii june ee sanadkan Guddoomiyaha Aqalka Sare oo ciidamada AMISOM u diideen inuu ilaaladiisa la galo garoonka Aadan cadde.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -