Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweynaha Hirshabelle iyo Odayaasha beesha Xawaadle oo Heshiis gaaray (Sawirro)

Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen iyo Ku Xigeenkiisa Mudane Yuusuf Axmed Hagar ayaa maanta kulan balaaran la qaatay Nabadoonada iyo Waxgaradka beesha xawaadle ee tabashada ka qabay Dowladda Hirshabeelle.

Madaxweynaha iyo odayaasha dhaqanka ayaa heshiis rasmi ah ka gaaray tabashii ay ka qabeen dhismaha maamulka Hirshabelle,iyagoona ku balamay in maanta wixii ka dambeeyo laga shaqeeyo midnimada iyo wadajir Dowladnimada.

Ugu dambeyn Madaxweynaha ayaa u mahadceliyay odayaasha dhaqanka beesha Xawaadle,waxa uuna sheegay inuu aqbalay dhamaan qodobadii ay soo jeediyeen uuna fullin doono.

Heshiiskan ayaa imaaday kadib markii lagu guuleestay Madaxweynaha Hirshabelle la geeyo Magaalada Baladweyne oo ka jiray kacdoono looga soo horjeeday maamulka uu Madaxweynaha ka yahay.

Related posts

Wasaaradda Maaliyadda oo dhaqangelisay Qaraar XFS kasoo baxay

Cabdi Cade

Sidee looga falceliyay Caronavirus ka kadib markii lagu arkay Muqdisho?

admin

Madaxda dowlada oo sameysanaya Xisbi ay kaga qeyb galaan doorashada 2020

Caydiid Ali
Taboola Ads ---