Allbanaadir.com
NEWS

Ra’isul Wasaare Rooble oo Arrimo muhiin ah kala hadlay Guddoomiye Maxamed Cawil

Ra’isul Wasaaraha xukuumada federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Roobe ayaa xafiiskiisa ku qaabilay kulan gaar ahna kula qaatay guddoomiyaha guddiga xallinta khilaafadka doorashooyinka Heer Federaal Mudane Mohamed Cawil Warsame .
Kulanka dhax maray Ra’isul Wasaare Rooble iyo Maxamed Cawil ayaa ku saabsanaa is xogwaraysi ku saabsan arrimaha doorashada gollaha shacabka ee dalka ka socda iyo sidii loo dardargelin lahaa habsami u socodka, hufnaanta iyo daahfurnaanta doorashada.
Ra’isul Wasaare Rooble ayaana kula dardaarmay guddoomiyaha guddiga xallinta khilaafaadka doorashada in laga shaqeeyo cadaaladda ayna noqdaan guddiga kuwa u xaqsoora dadka si cadaalad ahna ugu shaqeeya dadka.
Kulanka ayaana imaanaya xili ay inta badan luntay kalsoonidii musharaxiinta iyo dadka kale ee cabashada ka qaba doorashada ku qabeen guddiga doorashada oo marar badan dacwado loo gudbiyay u maamulay si aan caddaalad aheyn.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Beesha Gaaljecel oo soo bandhigtay ciidamo badan iyo gaadiid Dagaal (Sawirro)

Cabdi Cade

Afduub ka dhacay Magaalada Gaalkacyo & xiisad ka dhalatay oo ka taagan

Caydiid Ali

Somalia oo qaaday talaabo diblomaasiyaded oo xiiso leh

Caydiid Ali
Taboola Ads ---