Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Madaxweyne Geelle & Dhigiisa Masar oo ka wada hadlay qodobo xasaasi ah (Sawirro)

Madaxweynaha Masar ayaa marti-geliyey dhiggiisa Jabuuti oo ay yeesheen wada-hadallo lagu horumarinayo xiriirkooda iyo biyo-xireenka muranka uu ka taagan yahay ee Ethiopia ay ka dhiseyso Webiga Nile, kaasoo Masar ay u aragto halis ka dhan ah shacabkeeda.

Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa cago-dhigtay magaalada Qaahira, waxaana garoonka ku qaabilay madaxweyne Cabdifataax Al-Siisi.

Booqashada Geelle ayaa timid sideed bil kadib markii Al-Siisi uu booqasho naadir ah ku tegay dalka Jabuuti.

Al-Siisi ayaa xilligaas noqday madaxweynihii ugu horreeyey ee Masri ah ee booqda Jabuuti tan iyo markii uu dalkaas xoriyadda qaatay 1977-kii. Waxay qeyb ka aheyd dadaal ay Masar ku dhiseysay xulufo ay u raadineysay muranka Webiga Nile ee kala dhaxeeya Ethiopia.

Madaxweynaha Masar ayaa ku celiyey dalabka dalkiisa ee ah in heshiis laga gaaro buuxinta biyo-xireenka oo Ethiopia ay uga baxday 4.6 bilyan oo dollar.

Al-Siisi ayaa sheegay in heshiis noocaas uu noqon doono mid ku yimaada waqtiga ku habboon, uuna gacan ka gaysan karo “xoojinta ammaanka iyo xasilloonida gobolka.”

Wada-hadallada muranka biyo-xireenka ee u dhaxeeya Masar, Ethiopia iyo Sudan ayaa istaagay sanadkii tegay. Masar iyo Sudan ayaa marar badan ku celiyey baaq ay u jeedinayaan beesha caalamka ee ah inay gacan ka gaysato heshiis laga gaaro buuxinta biyo-xireenka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xassan Shiikh oo War culus ka soo saaray dilka taliye Nuur Farey

Caydiid Ali

Markabka Oruç Reis oo loo soo diray Soomaaliya iyo Erdogan oo sagootiyay (Sawirro)

Cabdi Cade

Somali Government Should Take Drastic Measures Against Ethiopian Aggression

Caydiid Ali
Taboola Ads ---