Allbanaadir.com
NEWS

Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu dilay Nairobi iyo Faah faahino kasoo baxaya

Wararka ka imaanaya magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya ayaa sheegaya in kooxo burcad hubeesan xalay halkaasi ku dileen muwaadin Soomaaliyeed oo dalkaasi deganaa.

Burcada hubeesan ayaa la sheegay in saddex xabbadood ku dhufteen muwaadinka Soomaaliyeed oo lagu magacaabayay Xasan Maxamed Nuur oo ku geeriyooday goobta burcada ku toogteen oo aheyd xaafadda Pumwani ee degmada Kamkunji.

Ciidamada booliiska dalka Kenya oo gaaray goobta dilku ka dhacay ayaa ku guul dareestay in ay soo qabtaan burcada dilka geesatay, waxaana goobjoogayaal sheegeen in burcada ku baxsadeen mooto ay wateen.

Saraakiil katirsan Booliska Kenya ayaa Warbaahinta u sheegay in ay wadaan baaritaano dheeri ah oo ku aadan sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa Kooxda Burcadda aheyd ee ka dambeeyay falkaasi dilka ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Taliyihii ciidamada Ilaalada Madaxtooyada Puntland oo saakay dagaal lagu dilay

Cabdi Cade

Beesha Caalamka oo War kasoo saartay Doorashadii Somaliland kana xumaatay hal arin

Cabdi Cade

Madaxweyne Biixi oo si adag uga hadlay dagaalka kasoo cusboonaaday Fadhi-gaab

Cabdi Cade
Taboola Ads ---