Allbanaadir.com
NEWS

Beesha Caalamka oo War kasoo saartay Doorashadii Somaliland kana xumaatay hal arin

Wakiilada Beesha caalamka u jooga Soomaaliya ayaa si diiran usoo dhaweeyay doorashadii golayaasha Wakiilada iyo Deegaanka ee dhawaan ka dhacday maamulka Somaliland ay ku tartamayeen sadex xisbi .

War saxaafadeed kasoo baxay qaar kamid ah wakiilada beesha caalamka u jooga Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Somaliland ka dhabeesay balan qaadkeedii  doorashooyinka, geeddi socodka ka qeybgalka siyaasadda iyo xoojinta dimuqraadiyadda.

“Saaxiibada Caalamku waxay ugu hambalyeynayaan shacabka Somaliland, xisbiyada siyaasadda, guddiga doorashooyinka qaran iyo hay’adaha kale ee dowladda sida wanaagsan ee ay u hirgaliyeen doorashadii baarlamaanka iyo goleyaasha deegaanka iyo habsami u socodka doorashada” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay beesha caalamka.

Warka kasoo baxay saaxiibada Soomaaliya ayaa sidoo kale lagu soo dhaweeyay in doorashooyinkii golaha wakiilada iyo deegaanka ay kusoo baxeen xubno kasoo jeeday beelaha la heebsooco.

Beesha Caalamka aya asidoo kale sheegtay in ay xunyihiin hoos u dhaca matalaadda haweenka, iyagoo ku boorriyay maamulka iyo xisbiyada Somaliland inay xaqiijiyaan doorka haweenka ee doorashooyinka mustaqbalka.

Warkan sida wadajirka ah uga soo baxay Midowga Yurub, Belgium, Denmark, Finland, France, Germany, Ireland, Italy, Holland, Norway, Sweden, Switzerland, United Kingdom, ayaa sidoo kale lagu sheegay in ay sii xoojin doonaan wada shaqeynta Somaliland.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

https://youtu.be/D3TIgY4PDkQ

 

Related posts

Hooyo Cunug yar oo labo maalin dhalanaa looga xaday Isbitaal kuyaala Muqdisho

Cabdi Cade

Maxaa ka jira wararka sheegaya in Villa Soomaaliya kala qeybisay siyaasiiinta Mucaaradka?

Caydiid Ali

Rooble oo fuliyay Balan uu ka qaaday Xasan Sheekh iyo Shaki soo kala dhax galay Musharaxiinta

Cabdi Cade
Taboola Ads ---