Mas noociisa aan dunida horey loogu arag oo laga helay webiga Amazon (Sawirro)

Saynisyahano reer Brazil ah ayaa daaha ka qaaday inay heleen noole cusub oo aan weli magac loo bixin laakiin ay ugu yeereen Maskii indha la’aanta ahaa (Blind Snake)

Sida laga soo xigtay The Sun, cilmi-baarayaasha bayoolajiga ayaa la kulmay Atretochoana eiselti, kaas oo ay ugu yeereen ‘maska Floppy’ xilli ay baarayeen biyo xireenka koronto ee wabiga Amazon.

“Ma hubno inaan jeclaan lahayn inaan ku turunturoono xayawaankan qariibka ah inta lagu jiro fasaxa Amazon, laakiin nooc cusub oo mas ah ayaa laga helay Brazil – waxayna u egtahay xubinta taranka ee ragga” ayuu yiri mid ka mid ah seynisyahanada.

Makhluuqan waa indho la’aan wuxuuna ka soo jeeda qoyska masaska indhaha la’ ee loo yaqaano Salamander sida khubaradu sheegeen

Lix ka mid ah masaska ayaa laga helay gunta hoose ee wabiga Madeira ee waqooyiga gobolka Rondonia ee dalka Brazil.

Julian Tupan, oo ah Seynisyahan ku taqasusay cilmiga noolaha kana tirsan shirkadda Santo Antonio Energy ayaa warbaahinta u sheegay in Lixdii mas ee la soo helay mid ka mid ah uu dhintay, saddex dib loogu soo celiyay duurka, laba kalena lagu hayaa daraasad.

Tupan wuxuu sheegay in wax aad u yar laga og yahay sida ay u nool yihiin masaskan

‘Inkastoo ay u eg yihiin masas, haddana maaha xamaaratada oo waxa ay aad ugu dhow yihiin masaska loo yaqaano salamanders iyo rahyada, Waxaan u maleyneynaa in xayawaanku uu ka neefsado maqaarkiisa, waxaana laga yaabaa inuu quudiyo kalluunka yaryar iyo gooryaanka, laakiin weli ma jiraan wax la xaqiijiyay” ayuu yiri Tupan.

Waxa uu intaa ku daray: ‘Amazon-ku waa webi yaab leh marka ay timaado xamaaratada. Weli wax badan oo kale ayaa jira in la ogaado.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -