Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Taliyihii ciidanka Ilaalada gaarka ah ee Madaxweynaha Somalia oo la dhaawacay

Taliyaha Ciidanka ilaalada gaarka ee Madaxweynaha Soomaaliya Cabdifitaax Dabagaale ayaa lagu dhaawacay afaafka hore ee Xarunta Madaxtooyada Magaalada Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya in dhaawaca Taliye Dabagaale uu yimid ka dib markii uu rasaas ku furay askari ka mid ah ciidankiisa oo muran xoogan uu soo kala dhex galay.

Ilo wareedyo ku sugan Madaxtooyada ayaa sheegaya in askariga uu ku eedeeyey taliyaha inuu lunsaday lacag loogu dhiibay, waxaana muran dheer la dib rasaas uu furay askariga ku dhaawacmay taliyaha oo la dhigay isbitaal.

Falkan ayaa ka dhacay afaafka hore ee Madaxtooyada oo ah goob aad loo ilaaliyo, waxaana markii dambe askariga rasaasta furay qorigii ka qaaday, xabsigana u taxaabay ciidankii kale ee goobta ku sugnaa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Booliiska Muqdisho oo soo bandhigay rag Shacabka dhibaato ku hayay oo la qabtay (Sawirro)

Cabdi Cade

Daawo Sawirada: Koobka Maamul Goboleedyada Somalia iyo G/Banaadir oo Kampla lagu soo gabo gabeeyey.

Cabdi Cade

RW ku xigeenka dalka oo ka qeyb galay shir laga soo saaray saddex qodob (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---