(Daawo Sawirro) Tababare reer Galbeed ah oo loo Magacaabay Xulka Qaranka K/Cagta Somalia

Xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta ayaa tababare ka soo jeeda dalalka reer galbeedka u magacaabay inuu leyliyo Kooxda xulka Qaranka Somalia sanadaha soo socda.

Hanjeg Peter oo ka soo jeeda dalka Holand ayaa heshiis ku saansan tababarka xulka Qaranka la saxiixday xiriirka kubada Cagta ee Somalia munaasabad kooban oo ka dhacday Muqdisho.

Xoghayaha xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta Yuusuf Muxidiin Axmed ayaa sheegay in in tababaran lagu soo xulay xirfad iyo aqoon, isla markaana uu horey tababare ugu soo noqday kooxo badan oo ka dhisan dalalka afrika qaarkood.

“Waxaan rajeynaynaa inuu wax badan ka bedeli doono qaab ciyaareedka xulkeena Qaranka oo mudooyinkan ahaa tababare la’aan. isla markaana uu soo hoyo guulo badan, waxaana la shaqeyn doona macalimiin Soomaali ah” ayuu yiri Yuusuf Muxidiin Axmed.

Talaabadan ayaa ku soo beegantay xili khilaaf uu soo kala dhex galay masuuliyiinta xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta ka dib markii xubno ka tirsan xiriirka ay shaageen iney xilkii ka qaadeen Gudoomiye C/qani Saciid Carab oo ay ku eedeeyeen waxqabad la’aan iyo maamul xumo inkastoo uu beeniyey eedeymahaas kuna gacan seyray xilka ka qaadista lagu sameeyey.

- Advertisement -