Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Madaxweyne Farmaajo oo Addis ababa kula kulmay dhigiisa Nana Akufo-Addo (Sawirro)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa  kulan-doceed barbar socda Shir-madaxeedka 35-aad ee Midowga Afrika, la qaatay dhiggiisa Jamhuuriyadda Ghana Mudane Nana Akufo-Addo.

Labada Madaxweyne ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka laba geesoodka ah, iyaga oo ay Madaxweyneyaashu isla qaateen in ay si buuxda isaga kaashadaan horumarinta iyo ka wada shaqaynta danaha labada dowladood iyo labada shacab ee Soomaaliya iyo Ghana.

Sidoo kale, Farmaajo ayaa kulan la qaatay dhigiisa  Zambia Mudane Hakainde Hichilema, iyaga oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka labo geesoodka ah iyo horumarinta iskaashiga ku qotoma danaha Labada Dowladood ee Soomaaliya iyo Zambia.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Tiktoker ku baaqay nin la karbaasho Madaxweyne Musaveni oo la xiray

Caydiid Ali

Wararkii ugu dambeeyay dibad-baxyadii Dhuusamareeb & shaki laga qabo..

admin

Shir xasaasi ah oo Magaalada Garowe uga furmaya Siyaasiyiinta Mucaaradka Puntland

Caydiid Ali
Taboola Ads ---