Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Maraykanka & Midowga Yurub oo go’aan culus ka qaatay dayuurada Boeing 737 Max-8

Midowga Yurub ayaa isku raacay hakinta duulimaadyada diyaarada Boeing 737 Max-8 kadib markii 157 qof ay ku dhinteen dayuuradaasi oo ku dhacday duleedka caasimada Dalka Itoobiya maalmo ka hor.

Go’aanka ayaa yimid kadib markii wadamada Britain, Germany iyo France ay axadii soo saareen go’aan ay ku mamnuuceen diyaaradan, waxaa go’aankaasoo kale qaatay dalka India iyo dalal kale oo ku yaalla qaarada Asia.

Shirada Boeing ayaa ah shirkada ugu weyn caalamka ee sameysa diyaaradaha ayaa ku adkeysaneysa ineysan jirin wax dhibaato ah oo dayuuradan ku sababi kara iney soo dhacdo.

Shakiga diyaarada ayaa timid kadib markii Axadii ay ku dhacday Dalka Itoobiya halka 6 bilood ka hor ay ku dhacday dalka Indonesia waxaana isku darka labada shil ku dhintay dad gaaraya 346 qof.

dhinaca kale, madaxweynaha Maraykanka Trump ayaa goor dhow amar ku bixiyey in gudaha dalkaas laga joojiyo isticmaalka dayuuradan tan iyo inta laga hubinayo badqabkeeda, waxaana talaabadan soo dhoweeyey shirkada Boeing ee sameysay dayuuraddan oo hadda ay soo wajahday xaalad adag oo caalami ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com  

Related posts

Boorso lagu soo iibsaday lacag ka badan 26-kun oo Dollar oo la bur burinayo iyo Sababta keentay

Cabdi Cade

Jidadka Muhiimka ah ee Muqdisho qaarkood oo saaka la xiray iyo sababta keentay

Caydiid Ali

Qarax ay ku dhinteen raggii aasayey oo ka dhacay degaan ka tirsan Hiiraan (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---