Allbanaadir.com
NEWS

Hormuud Foundation oo shaacisay in dhaqaale ku bixineyso dagaalka ka dhanka ah Covid-19 (Sawirro)

Xubno ka tirsan Hay;adda Hormuud Foundation oo maanta shir jaraa’id ku Qabtay Xarunta Hay’ada ee Magaalada Muqdisho ayaa waxay kaga war bixiyeen Dadaalada tooska ah oo ay kaga qeybqaadanayaan dhibaatada Caalamka Gaadhay ee uu sababay cudurka Coronovirus,kaasi oo sababay saameyn dhinac walba ah.

Gudoomiyaha Hormuud Foundation Cabdullaahu Nuur Cismaan ayaa warbaahinta u sheegay Dadaalada Hay’adda iyo guud ahaan shirkada hormuud ku bixineyso kaalinta kaga aaadan Dagaalka lagula jiro Cudurka Covid19 isagoo sheegay in qalab caafimaad iyo dhinac dhaqaale ay uga qeyb qaadanayaan dhibaatada uu umada gaarsiiyay cudurkaasi.

Dhinaca kale Gudoomiyaha Hormuud ayaa waxaa uu sheegay in sanad walba marka la gaaro bisha bareksayn ee Rmadaan ay Caawinaad u Sameeyaan Dadka nugul ee ku dhaqan Dalka SOmalia gaar ahaan Magaalada Muqdisho.

Sanadkan ayaa waxaa uu sheegay in Dad gaaraya inaa 20,000 oo qoys ah u qorsheeyeen sidii ay Cawinaad ugu sameyn lahaayeen fadliga bisha barakeysan Awgeed waxaana dadka iyaga oo guryahooda jooga loogu diri doonaa lacagaha loo qoondeeyay Madaama aan laysu imaan karin iyadoo oo laga baqayo faafida cudurka corona virus.

 

Related posts

Taliyaha Xoogga dalka oo hal arrin uga digay ciidanka ku jira xeryaha (Sawirro)

Caydiid Ali

Madaxweyne Laftagareen oo labo dalab hor dhigay danjire Alberto Vecchi (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Itoobiya oo qaaday tallaabo kale ay ku xumeeneyso DFS lana shirtay Puntland (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---